Mooge Festival: Jibbo Kale!
Kulan ka dhici doona dhawaan Hargeysa ayaa waxaa loogu magac daray “Mooge Festival. “Mooge” waxaa laga wadaa “Maxamed Mooge Liibaan”, halgamaa hoobal, iyo halyey mudan xus iyo xasuus. Mujaahidka ii daa maanta, waxaanse ku hadhayaa ereyga loo soo waaridayo af ka Soomaaliga ee “Festival”.
Afku waa tiir ka mid ah tiirarka dhaqan ku taagan yahay, waa udub dhexaadka is fahanka iyo isku gudbinta dhaqanka. Waxaa la qiyaasayaa in dunida maanta ay ka jiraan ku dhawaad lix kun oo af, kuwaas oo badkhood dabar go’i doonaan soddonka sannadood ee soo socda. In af dhinto macnaheedu maaha in dadkii isticmaalayay dunida laga waayo ee waa iyada oo dadkii lahaa afkaasi ay adeegsan waayaan. Afka Soomaaligu wuxuu leeyahay dhammaan astaamaha lagu yaqaan af sii dhimanaya (dabar go’aya): siyaasad af oo dawli ah oo aan jirin, tiro badan oo Soomaali ah oo dibadaha ku nool, afafka qalaad (gaar ahaan Ingiriisiga) oo loo haysto aqoon iwm. Iyaddoo imikaba uu afkeenu la itaal daran yahay tirada ereyadda soo-galaytiga ah, ayaa haddana waxaa haboon in laga hortago kuwa horta leh ee u soo dabtay bara-bixintiisa.
Ereygan “Festival” ama “feast” oo dhigiisa ah waa erey-diimeed u dhigma dabbaaldeg. Laakiin dabbaal deg caadiya maaha oo waxaa ku jira cibaado iyo Alla-bari . Diiwaanka taariikhda (calendar) Kiristanka waxaa ku xusan laba dabbaaldeg oo waaweyn oo kala ah Kirismaska (Christmas) iyo Isterka (Easter). Hase yeeshee badankiinu laga yaabaa in aydaan labadan ciidood u aqoonin in la kala yidhaa “Feast or festival of the Nativity of our Lord” oo ah ta hore iyo “Feast or festival of the Resurrection”oo ah ta dambe. Markii u horaysay ee ereyga , naxwe ahaan, loo aqoonsaday magac waxay ahayd 1589. Xilligaa ka hore waxay ahayd sifo iftiimisa maalinta fasaxa Kiniisadda.
Marka la isku soo duuduubo, ereygu wuxuu leeyahay laba macne oo ka hore diin iyo cibaado dadyow kale la xidhiidho. Macnaha labaadna yahay dabbaaldeg ama kulan aan diini ahayn, balse bulsho ugu ciyaari karto dhaqan ama ujeeddo la xidhiidha xus kale. Qaamuuska haddii aad la tashatana labadaas macne oo sidaa u kala horeeya ayuu ku siinayaa.Wuxuu doonaba ha ahaadee, waa erey shisheeye oo aan afka Soomaaligu aanu diyaar u ahayn inuu u soo joogsado.
Qof baa laga yaabaa inuu iskula shawro maxaa qoraalka inta le’eeg looga sameeyay erey kaliya. Jawaabtu, kow, waxa weeyi iyadoo ereygan aanay jirin baahi loo qabo. Labba, waxaa hadh cad magaalo Soomaaliyeed ku soo dhawaynaya ereygan dad loo tirinayo abwaanno iyo aqoonyahan Soomaaliyeed. Saddex, waa erey wata dhaqan diimeed ummad kale.
Magaaladda Hargeysa kuma soo badanayaan oo kaliya ereyada shisheeye ee laga maarmi karo, waxase kale oo jira dad jibbaysan oo, inta badan, qurbo joog ah oo wada aragtiyo iyo dhaqamo aan qabatimi karin degaanka iyo waayaha ka jira halkan. Tusaale ahaan, waxaa mar sii horaysay noo yimid waddaad dibadda ka soo laabtay oo qabanayay kulan diimeed uu kaga hadlayo ‘Isku dul-qaadashadda diimaha” inkastoo markii dambe laga badalay. Mar kale waxaan arkay nin wada qorshe ah inuu degaannada ku dhow Hargeysa ka dhiso “xarun lagu daryeelo dadka waawayn”. Waxaa iyana maalin walba aanu aragnaa wadaad xidhan dharka dhaqan ahaan ay xidhaan bakistaaniyiinta (bashtuuga) ee ka kooban shaatiga wayn iyo surwaalka kubka ku jooga. Kuwaas oo uu u haysto inuu ka helayo khayr iyo ajar gaar ah.
Dhaqanku waa af, afkuna waa dhaqan. Haddii af la waayo, waxaa la waayay dhaqankii bulshadaasi lahayd. In kulan dhaqameed ka dhacaya Hargeysa loo bixiyo magac qalaad waa jibbo kale iyo is-moodsiis in aqoontu tahay af qalaad. Is waydiin waxa mudan in dhaqan afkiisa laga waayay magaca xuskiisa inuu u qalmo in loo ciyaaro. Haddii si kale loo dhigo, xuska dhaqan afkiisa aan isku cabiri karin muxuu daaran yahay?
Magaca shisheeye oo lagu daray qoraalo reer galbeedaysan oo si indho la’aan iyo habow ah u taageeraya isku imaatinkan waxay nagu kalifaysaa in aanu il gaar ah ku hayno nuxurka iyo mucda kulankan.
Ugbaad AxmedHargeysa
E-Mail:ugbaadahmed@rocketmail.com
Source: www.wardheernews.com